Sawirle: Kristin Axinge Jaslin/Sveriges

Wax ka qabadka falalka kufsiga oo aad ugu kala duwan dalka qaybihiisa

Waxaa farqi weyni ka muuqdaa sida qaybaha boliiska ee dalku ay wax uga qabtaan falalka kufsiga oo dhaca. Hadda ayuu guddiga qaranaka ee arrimaha boliisku doonayaa in farqigaas meesha laga saaro oo dardar la geliyo wax ka qabadka dacwooyinka kufsiga.

Gobolada Sörmland iyo Västernorrland waxaa dacwad lagu soo oogaa boqolkiiba konton falalka kufsiga oo ashtakooyinka laga soo gudbiyo, halka ay gobolka Västerbotten ka tahay boqolkiiba 10.5, taas oo ah heerka ugu hooseeya Iswiidhen. Celcelis ahaan waxaa dalka oo dhan dacwad lagu soo ogaa boqolkiiba 20.7 procent, sida ka muuqata tirakoob ay saartay hay’adda qaran ee ka hortagga dembiyada oo loo soo gaabiyo Brå ee xilligii u dhexeeyey 2010-2012. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Metro.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".