Sawirle: Drago Prulovic / TT

Hay’adda Socdaalka oo kharash badan uga baxo dejinta dadka qaxootiga ah

Hay’adda socdaalka ayaa sannad walba boqolaal milyan oo karoon oo dheeraad ah ku bixiya sidii loo xallin lahaa dejinta dadka qaxootiga kadib ay degmooyin badan diidaan in ay qaabbilaan dadka sharciga degganaanshaha la siiyey. Hay’adda socdaalku waxay ku qiyaastay in dad tiradoodu gaareyso 15 000 oo qof oo loo oggolaaday sharciga degganaanshaha aysan boosas ka heli doonin degmooyinka.

Taasina waxay keentay xeryaha qaxootigu buuxsamaan iyo in ay hay’adda socdaalka ku khasbanaato in ay guryo qaali ka iibsato dalka qaybihiisa.

Dowladda ayaa horay hay’adda socdaalka ugu xilsaartay in ay kormeer ku sameyso sida ay hay’adaha kala duwani isu la shaqeeyaan. Natiijada kormeerkaasna waxaa qayb ahaan dowladda loo gudbin doonaa 10ka bisha abriil.

Isha: P4 Örebro

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".