Baasaboor iswiidhish ah. Sawirle: Rikspolisstyrelsen / TT

Baasaboorka iswiidhishka oo la qaaliyeynayo si looga hortago ka ganacsigiisa

Ciidamada dembi-baarista qaranka ayaa doonaya in qofka uu ka dhumo baasaboorkiisa iswiidhishka ah laga qaado 980 oo karoon si loogu gooyo mid cusub, halka hadda laga bixiyo 350 karoon. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Sydsvenskan.

Sababta loo doonayo in sare loo qaado qiimaha lagu goosto baasaboor ayaa ah in ay mukhalisiin iibsadaan baasaboorada iswiidhishka si ay qaxooti ugu soo geliyaan dalalka Yurub.

Frontex, oo ah hay’ad Midowga Yurub u qaabbilsan iskaashi xuduudaha, ayaa dayrtii la soo dhaafay shaaca ka qaadday in afartii qof oo isku daya in ay soo galaan Midowga Yurub uu midkood wato baasaboor iswiidhish ah oo qof kale leeyahay.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".