Sawirle: Brennan Linsley/TT.

Labadii waalidba mid ayaan arkin cayilka xad-dhaafka ah ee ilmahiisa

Waxaa daraasad yurubiyaan ah oo ay ka qaybqaateen 1800 oo ilmood oo ku nool galbeedka Iswiidhen waxaa lagu muujiyey labadii waalid oo haysta ilmo cayilkoodu xad-dhaaf yahay uu iyaga ilmahoodu ugu muuqdo mid miisaankiisu caadi yahay.

Sidaas awgeed ayey muhiim u tahay in waalidka la ogeysiiyo miisaanka carruurtooda mar walba oo la tagaan rugta daryeelka caafimaadka carruurta, iyo in haddii ay carruurtaasi dhigtaan dugsiyada, waalidka guriga loogu diro warbixin ku saabsan miisaanka iyo cayilka ama buurnaanta.

Waxaa daraasadaan yurubiyaanka ah si gaar ah loogu baaray doorka waalidka iyo farqiyada la ogaadey in ay u dhexeeyaan dhaqamada kala duwan. Waddamada ku yaal waqooyiga iyo bartamaha Yurub waxay boqolkiiba konton waalidiinta ku nooli u arkaan in miisaanka carruurtoodu uu caadi yahay in kastoo ay si xad-dhaaf u cayilan ama buuran yihiin. Koonfurta Yurub waxay tirada waalidiinta sidaas u aragtaa noqotay boqolkiiba 75.

Isha: P4 Göteborg 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".