Sawirle: Leif R Jansson/ TT.

Guri Ruushku leeyahay oo muran ka taagnaa oo la xaraashay

Wax muddo lagu muransanaado oo ay arrintiisu gaarto ilaa heer siyaasiin sare, waxay maanta hay’adda qaan-ururintu xaraashtay guri ku yaal degmada.

Iibinta gurigaan ayaa ahayd mid aan dhibaato yareyn. Ganacsade Jarmal u dhashay oo lagu magacaabo Franz Sedelmayer ayaa lacag badan oo qaan ah u haysta dowladda, sidaas awgeedna ka codsaday Maxkamadda sare ee Iswiidhen in ay hay’adda qaan-ururinta u fasaxdo in ay gurigaas iibiso.

Haddaba maanta ayaa gurigaas lagu iibiyey 20 milyan iyo shan boqol oo kun oo karoon. Dowladda federaalka ee Ruushka ayaa xaraashkaas ka soo horjeeddey, balse waxaa aqbalay ciddii guriga iibsatay iyo hay’adda qaan-ururinta.

Mar la damcay in gurigaas la xaraasho sannadkii 2012, waxaa lagu qiimeeyey 62 milyan oo karoon, laakiin waxaa la waayey cid dooneysa in ay ka bixiso in ka badan hal milyan oo karoon oo uu ku dhawaaqay ganacsadaha jarmalka ee Sedelmayer. Hay’adda qaan-ururinta ayaa kolkaas diiddey in ay gurigaas ku iibiso qiime sidaas u hoose.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".