Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Macallimiin wanaagsan ayey arday wanaagsani ka dhalataa

La daabacay tisdag 18 februari 2014 kl 16.58
Sawirle: Fredrik Sandberg/TT

Kadib natiijadii aadka u liidatey ee dugsiyada Iswiidhen oo baaritaankii PISA horay loogu soo qoray ayey dowladdu ururka OECD ka codsatay in baaritaan degdeg ah ku samayso xaaladda dugsiyada Iswiidhen. Natiijadii ka soo baxday baaritaankaas ayaana maanta lagu wareejiyey wasiirka waxbarashada Jan Björklund.

Ururka OECD oo ah ururka iskaashi dhaqaale iyo horumarka oo ka dhexeeya dalalka horumaray ayaa Iswiidhen kula talineysa in natiijo wanaagsan laga gaari karo waxbarashada dugsiyada haddii dhawr arrimood wax laga qabto: mushaarooyinka macallimiinta oo sare loo qaado, fursadaha aqoon-kororsiga macallimiinta oo la hagaajiyo, jawiga xiisadaha fasalada oo la dhigo mid deggan iyo hawlaha dhiirrigelinta ardayda oo la kordhiyo.

Jan Björklund ayaa sheegay in baaritaanka OECD caddeynayo in siyaasadda waxbarashada ee dowladdu ay tahay mid hab wanaagsan ku socota.

- Waxaan aamminsanahay in waxyaalo badan oo uu ururka OECD tilmaamay ay yihiin waxyaalo aan hadda Iswiidhen ka sameynno.

Laakiin taasi mak u filan tahay?

- Maya, waxaa loo baahan yahay dulqaad iyo hawlo badan oo isbeddel wanaagsan lagu hirgeliyo. Talada ururka OECD in Iswiidhen aysan u baahneyn in ay ka leexato habka u waddo siyaasadda waxbarashada.

Baaritaanka waxaa kaloo lagu muujiyey in kharashka ku baxa ardaygii uu yahay mid aad u sarreeya, sidaasna ay ku noqoneyso dalka tobnaad ee kharashka ugu badan ku bixiya ardayda dalalka ururka OECD. In kastoo ay ardayda ku jirta fasalada dugsiyada Iswiidhen ay yar yihiin ayuu ururka OECD carrabka ku dhuftay in cilmi-baaris ay muujisey in uusan xiriir weyn ka dhexeyn tirada ardayda fasalada iyo kartida iyo dadaalka ardayda.

Sida uu qabo ururka OECD wuxuu dadaalka ardaydu ku xiran yahay hadba waajibaadka ardayda la saaro oo culeyska lagu saaro in ay gaaraan natiijo wanaagsan iyo in aan aqbali karin in la guurdarreysto. Waxaa kaloo loo baahan yahay in la kala caddeeyo waajibaadka cid walba saaran.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".