Sawirle: Hasse Holmberg/Scanpix

Furriinkii oo soo batay iyo guurkii oo sii yaraaday

Waxaa waqtiyadii dambe soo kordhay tirada dadka isfura, halka ay tirada dadka is-guursadaana isa soo dhimeen. Sidaasna waxaa lagu muujiyey tirakoob uu xafiiska tirakoobka guud ee SCB ka sameeyey dadweynaha Iswiidhen.

Intii lagu gudajirey sannadkii hore waxaa is-guursadey dad tiradoodu gaareyso 45703 lammaane, taas oo 5000 oo lammaane ka yar tiradii sannadkii 2012. Celceliska da’da ay haweenku ku guursadaan ayaa ahaa 33 sani jir halka uu raggana ka ahaa 36 sano. Taasina waxay u dhiganta koror dhan toban sano marka la barbardhigo celceliska da’dii guursan jirtey sannadihii lixdameeyadii. 15ka Juun ayaa noqotay maalinta ay dadka ugu badani is-guursadaan.

25110 oo lammaane wuxuu jacaylkii ku dhammaaday furriin. Taasina waxay u dhigantaa koror dhan 1700 oo furriin marka la barbardhigo sannadkii 2012.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista