Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Kororkii ugu badnaa oo ku yimaada dadweynaha Iswiidhen wixii ka dambeeyey 1946

La daabacay onsdag 19 februari 2014 kl 12.30
Sawirle: Hasse Holmberg/Scanpix

Tirada dadweynaha Iswiidhen ayaa weli soo kordheysa. Dhammaadkii bishii diseember ee sannadkii 2013 waxay tirada dadweynaha Iswiidhen ku nooli ahayd 9644864 oo qof, taas oo la micne ah koror dhan 88971 oo qof marka la barbardhigo kororkii sannadkii ka horreeyey. Kororkaasina wuxuu noqonayaa kororkii ugu badnaa oo dadweynaha ku yimaada wixii ka dambeeyey sannadkii 1946. Sidaasna waxaa lagu muujiyey tirakoob uu xafiiska tirakoobka guud ee SCB ka sameeyey dadweynaha Iswiidhen.

Dadka dalka soo galay boqolkiiba 18 waxay ahaayeen muwaadiniin iswiidhish ah oo dalka dib ugu soo noqday. Waxayna ahaayeen dadka koox ahaan ugu tirada badnaa.

Kororkaanna waxaa loo aaneynayaa soogalootiga ka kala yimid dalalka Suuriya iyo Soomaaliya oo ay ku soo korodhay tiro kor u dhaaftay 13000 oo qof. Sannadkii hore boqolkiiba toban dadka dalka soo galay waxay ahaayeen muwaadiniin Suuriyaan ah, halka ay dad tiradoodu taas u dhowdahayna ka yimaadeen dalka Soomaaliya.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".