Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dad badan ayaa doonaya in Victoria ay boqortooyada la wareegto

La daabacay onsdag 19 februari 2014 kl 14.02
Amiir Daniel iyo Amiiradda koowaad Victoria. Sawirle: Helena Andersson/Sveriges Radio

Waxaa soo badanaya dadka iswiidhishka ah oo qaba in la gaaray waqtigii ay amiiradda koowaad Victoria la wareegi lahayd madaxnimada qaranka Iswiidhen. Dad tiradoodu gaareyso boqolkiiba 48 ayaa doonaya in boqor Carl Gustaf uu shaqada ka fariisto marka uu buuxsado 68 sano 30ka bisha Abriil ee na soo haysa. Sidaasna waxaa lagu soo badhigay baaritaan ay shirkadda Demoskop u sameysey wargeyska Expressen.

Tiro intaas ku dhow oo ah boqolkiiba 47 ayaa iyagu qaba in boqorku uu jegada sii hayo. Sidaas oo ay tahay ayey hadda natiijadaan ka muuqataa isbeddel weyn marka la barbardhigo sidii uu ra’yiga dadweynuhu ahaa saddex sano ka hor. Kolkaas boqolkiiba 38 qura ayaa qabay in boqorku talada iska wareejiyo, halka ay boqolkiiba 60 qabeen in uu boqor sii ahaado.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".