Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Siyaasiin Midowga Yurub ka tirsan oo jilaya riwaayad ku saabsan Dawit Isaak

Dawit Isaak. Sawirle: Kalle Ahlsén / TT

Xildhibaanka Iswiidhen u fadhida baarlamaanka Midowga Yurub (MY) Cecilia Wikström ayaa ka dambeysey fekradda in riwaayad caawa laga dhigo baarlamaanka MY oo ku fadhigiisu yahay  magaalada Buruksalis.

Riwaayadda oo loogu magacdaray "Speak Truth to Power" (run-sheegid ayaa awood lagu helaa) ayaa maamuusayaa suxufiga Dawit Isaak oo ku xiran xabsi ku yaal dalka Eriteriya ilaa sannadkii 2001. Riwaayaddanina waxay ku dhisan tahay wareysiyo lala yeeshay shakhsiyaad u dagaalama xuquuqda aadanaha oo badankood ay horay xabsi ugu jireen ama jirdil loogu geystey.

Jilayaasha riwaayadda: Guddoomiyaha baarlamaanka Martin Schulz, fannaaniin Hollywood ka socda oo ay ka mid tahay jilaaga iswiidhishka ah Lena Olin iyo siddeed siyaasad oo ka tirsan baarlamaanka MY.

Cecilia Wikström ayaa riwaayaddaan ku tilmaantay in ay tahay "hub fudud" oo lagu la dagaalamayo taliska Eriteriya oo muddo xabsi ku hayey Dawit Isaak iyadoo wax maxkamad ah la horkeenin.

- Waxaan riwaayaddan ugu talagalnay inaan ku iftiiminno xaqa uu qof waliba u leeyahay in uu noolaado sidii uu doono – in u fekero, aammino ama ka shakiyo, is-abaabulo, wax qoro ama daabaco – taas oo ka mid ah xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha oo maanta meelo badan oo dunida ka mid shaki la geliyo. Tanina waxay iga tahay hab aan doonayo inaan ku taageero halganka weli socda, iyo sidaad og tahayba in aan weli aamminsanahay in xabsi laga soo deyn doono oo uu xorriyaddisa dib u hanan doono.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".