Sawirle: Wong Maye-E/TT

Cayaaraha olimbiga ee Sotji iyo kaalinta Iswiidhen ka mareyso

Iswiidhen ayaa maanta caayaraha olimbiga ee Sotji ka qaaddey billaddii tobnaad iyo tii kowiyotobnaad, kadib markii ay Ida Ingemarsdotter iyo Stina Nilsson oo dhinaca gabdhaha ka socda, iyo Emil Jönsson iyo Teodor Peterson oo dhinaca wiilasha ka socda ay qaadeen billadaha naxaasta oo ay ku qaateen oroddada qori-isu-dhiibka ee barafka lagu ordo.

Dhinaca gabdhaha waxaa kaalinta koowaad galay dalka Noorwey halka uu dalka Finland ka galay kaalinta labaad. Wiilashana waxaa kaalinta koowaad galay dalka Finland, kaalinta labaadna dalka Ruushka.

Cayaartoyda oroddada dhaadheer ayaa ilaa hadda wada qaatay kow iyo toban billadood.

Kooxda gabdhaha ee boojada barafka ayaa u gudbay fiinaal, kadib markii ay cayaar kulul oo semigiinaal ah kaga guuleysteen kooxdii Iswiiserland 7-5 gool.

Taasina waxay dhigan tahay in kooxdaan iswiidhishka ah ay billad qaadan doonaan, ha ahaato dahab amase qalin midkood. Waxayna fiinaalka isaga ho riman doonaan kooxda Kanada oo iyadu ah kooxda loo badinaayo in ay dahabka qaadeyso.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista