Sawirle: TT.

Carruur lagu muquuniyo inay xaafadda Vårberg ku iibiyaan maandooriyayaal

Kooxo dembiilayaal ah ayaa isticmaala oo ku khasba carruur yaryar oo da’doodu u dhexeyso siddeed iyo toban sano jir in ay iibiyaan maandooriyayaasha loo yaqaan daroogada. Waxayna carruurta ganacsiga daroogadaas ka qaybqaata gaari karaan ilaa 40 cunug. Sidaasna waxaa lagu soo qoray wargeyska xaafadda ee Mitti.

Ragga carruurtaas adeegsada iyagoo u hanjabaya ayaa ah koox labaatameeyo sano jir ah oo boliisku  aad u yaqaan. Kooxahaan ayaa carruurta iyo dhallinyarada hanjabaad iyo cabsigelin u geysta si ay dembiyadaan u galaan. Sidaasna boliiska ayaa laga soo xigtay.

Gu’gaan foodda nagu soo haya ayuu boliisku ku talajiraa in uu aaggaas ka bilaabo hawlagallo lagu joojinayo ganacsiga maandooriyaha. Waxaa tusaale ahaan halkaas laga hawlgelinayaa ilaa 25 boliis oo dhar cad ah.

Sababta ay u isticmaalaan carruurta in ay u iibiyaan maandooriyaha ayaa ah si ay dhaqso carruurtaasi u bartaan ka ganacsiga maandooriyaha iyo in carruurtaas iyo dhallinyaradaasi aysan weli gaarin da’ qaangaarnimo oo lagu ciqaabi karo.

Isha: TT/Mitti

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".