Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Anders Borg oo soo bandhigay hindisayaal la xiriira dhaqaalaha dalka

Wasiirka Miisaaniyadda Anders Borg. Sawirle: Bertil Enevåg Ericsson/TT.

Wasiirka miisaaniyadda Anders Borg ayaa maanta shir-jaraa’id ku soo bandhigay saadaasha wasaaraddiisa ee ku saabsan horumarka dhaqaalaha dalka iyo miisaaniyadaha laamaha dowladda.

– Waxaan u aragnaa in ay macquul tahay in dal dadkiisu sii gaboobayo laga hirgeliyo dib u habayn si ay fududaato in goor hore hawlgab la noqon karo, ayuu wasiirka miisaaniyadda Anders Borg.

Sidaas awgeed ayey dowladdiisu u soo jeedisey hindise lagu doonayo in miisaaniyadda wax looga qabto oo lagu kaydiyo lacag gaareysa ilaa sagaal bilyan oo karoon inta u dhexeysa 2015 illa 2018.

Waxyaalaha uu Anders Borg soo bandhigayna waxaa ka mid ah:

  • In la dhimo canshuurta laga jaro lacagta sida gaarka loogu kaydsado in la qaato marka hawlgab la noqdo  sannadka 2015, gebi ahaanna meesha laga saaro marka la gaaro sannadka 2016.
  • In la dhimo deeqda ardayda la siiyo, sarena loo qaado amaahda ardayda
  • In la dhimo lacagaha la siiyo hay’adaha dowladda
  • In la kordhiyo canshuurta baabuurta
  • In la kordhiyo canshuurta la dulsaaro khamriga iyo tubaakada
  • In la kordhiyo heerka dakhliga soo gala ardayda shaqaysa iyadoo waxbaranaya
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".