Sawirle: Katarina Larsson/Sveriges Radio.

Dhallinyaro dhac geystey oo boliiska Malmö qabtay

Boliiska Malmö ayaa xalay qabtay afar wiil oo kala tahay 14 iyo 15 sano jirro, kuwaas oo lagu thunsan yahay in ku kaceen falal ah dhac hubeysan. Magaalada Malmö ayaa xalay kacsaneyd kadib markii ay boliiska soo gaareen warar ku saabsan isku dhac iyo dhac hubeysan  oo loo geystey dad rayid oo magaalada dhex marayey.

– Intaan la kowdii saqda dambe ayaa qabannay afar qof oo leh astaamihii lagu sheegay dadka dhaca geystey. Waxaanna haynnaa caddeymo xagga farsamada oo arrintaas la xiriira. Sidaasna waxaa telefishanka SVT u sheegay Håkan Johansson oo ah sarkaal ka socda boliiska Malmö.

Dhallinyaradaan la qabtay ayaana lagu tuhunsan yahay iyagoo isticmaalaya bistoolado iyo mindiyo dad ka dhaceen boorsooyinka lacagta iyo telefoonada gacanta. Mid ka mid ah dhallinyaradaas ayaa lagu qabtay bistoolad uu sitey markii la qabanayey.

Falalkaan dhaca hubeysan ahina waxay ka dhaceen xaafadaha Sorgenfri iyo Möllevången oo ka tirsan magaalada Malmö.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".