Raysalwasaarihii hore ee Iswiidhen Göran Persson. Sawirle: TT

Hindise cusub oo lagu doonayo in la fududeeyo gurya-dhisidda

Maanta ayuu guddiga isku magacaabay guddiga gurya-dhisidda soo bandhigayaa hindise lagu yareynayo dhibaatada gurya-la’aanta ee ka taagan Iswiidhen. Guddigaas oo ka kooban dad jagooyinka horay uga soo hayn jirey ayey ka dhex muuqdeen raysalwasarihii hore Göran Persson, wasiir-kuxigeen dowladihii siddeetameeyadii Agneta Dreber iyo Olle Wästberg oo siyaasi horay u soo qabtay jegooyin badan.

Guddigaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in habka suuqa guryaha wax laga beddelo:

– Maanta waxaa qofka u raqiisisan in uu degganaado meesha uu deggan yahay waayo waa qaali in la guuro. Annaguna waxaa dooneynnaa in hantida la haysto loo isticmaalo hab wax ku ool ah oo caqligal ah, ayuu yiri Olle Wästberg. 

Hindisayaasha ay soo jeediyeen waxaa ka mid ah in la kordhiyo khidmadda laga qaado lahaanshaha guryaha iyo in la dhimo canshuurta laga qaado faa’iidada la sameeyo. Waxayna u arkaan in ay taasi keeni karto in ay raqiis noqoto in la guuro. Waxay kaloo soo jeediyeen in lagu qaaliyeeyo dadka doonaya in ay qaataan amaaho ballaaran.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".