Gunnar Larsson, wakiilka arrimaha ilaalinta macmiisha. Sawirle: Patrik Lundin/TT.

Hindise lagu doonayo in sharciga lagu adkeeyo shirkadaha sida xun u dhaqma

Wakiilka ilaalinta macaamiisha ayaa sheegay in ay adag tahay in tallaabo laga qaado shirkadaha ku xad-guba sharciga u degsan suuq-geynta. Fursadaha maanta loo leeyahay in wax laga qabto ma ahan kuwo ku filan, wax ka qabashadoodu sanooyin ayey qaadataa, ayuu yiri wakiilka ilaalinta macaamisha Gunnar Larsson oo hadalkiisa ku daray:

- Waqti dheer ayey qaadataa oo haddii aysan ahayn amar ka soo baxay hay’ad waxay qaadan kartaa sanooyin inta maxkamad laga horgeynayo. Waxay fududaan lahayn haddii annaga iyo wakaaladda macmiishu awood u lahaan lahayn in aan mamnuucno arrimaha suuq-geynta qaarkood oo ciddii jebisana aan maxkamad horgeyn karno.

Maanta wuxuu wakiilku arrimaha kormeerkii la xiriira u gudbiyaa dowladda si ay sharci uga soo saarto. Sannad walba waxaa la soo gudbiyaa ilaa 6000 dacwo oo ku saabsand ad dareensan in ay shirkado khiyaameen. Waana adag tahay in sharci ahaan wax laga qabto maadaama sharcigu xaddadan yahy.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".