Aqalka wasaaradda arrimaha dibedda oo lagu magacaabo Qasriga Arvfursten kuna yaal Gustaf Adolfs torg. Sawirle: Jonas Ekströmer/Scanpix

In booqasho loogu kicitimo dalka Lubnaan oo laga digay

  

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa dadweynaha uga digeysa in ay booqasho ku aadaan xuduudaha ku wareegsan dalka Suuriya oo laga fogaado ugu yaraan ilaa 10 kiilomitir. Waxay kaloo wasaaraddu ka digeysaa in la tago aaggaga ay ka mid yihiin Arsal, Hermel, Wadi Khaled iyo xaafadaha koonfureed ee magaalada Beyruut oo dhammaantood ka wada tirsan dalka Lubnaan. Waxaa laga reebay digniintaas garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha iyo waddada weyn oo loo aado.

Wasaaradda arrimaha dibeddu waxay kaloo ka digeysaa in booqashooyin aan muhiim ahayn loogu dhoofo magaalada Tripoli iyo hareeraheeda, iyo dhulka koonfur ka xiga webiga Litani iyo weliba agagaarka xeyaha qaxootiga falastiiniyiinta ah.

Digniintaanna waxaa sabab looga dhigayaa xaaladda ammaanka oo ka soo dartay.

Isha: UD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".