Sawirle: Linda Forsell/TT.

Amiiradda Iswiidhen Madeleine oo xalay gabar ku ummushay New York

Xalay saacaddu markii ay ahayd tobankii iyo afartan daqiiqo ayey gabar ugu dhalatay magaalada New York amiiradda Iswiidhen Madeleine iyo saygeeda Chrostopher O’Neill. Sidaasna waxaa bogga internet ee boqortooyada ku qoray Svante Lindqvist oo ah sarkaalka ugu sarreeya aqalka boqortooyada.

Gabadhaan qoyska reer boqor ku soo biirtay waxaa lagu isbitaalka New York Presbyterian Weill Cprnell Medical Center oo ku carriga Maraykanka.

Anna Sonnerberg oo warfaafinta u qaabbilsan aqalka boqortooyada ayaa sheegtay in lagu wargeliyey boqorka iyo boqorada oo ku sugan Stockholm in gabadhoodii gabar u ummushay.

– Iyaga iyo gabadha dhalatay aabbaheedba aad ayey ugu farxeen. Sidoo kale waxaa lagu wargeliyey Amiiradda koowaad Victoria. Weli lama oga waxa ay qoyska boqortooyadu qorsheynayaan, haddii ay ku kicimayaan Maraykanka iyo haddii kale.

Labada bisha Maarso saacaddu labada duhurnimo ayaa xaflad wanqalka loogu qaban doonaa kaniisadda weyn oo lagu magacaabo Slottskyrkan oo taal qasriga boqorka.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".