Sawirle: Anders Jelmin/Sveriges Radio

Carruurta waalidkood is-furo oo afar meelood meel ka ah carruurta Iswiidhen

Carruur tiradoodu ku dhowdahay nus milyan ayaa la nool waalid is-furay ama aan weligood wadanooleyn. Taasina waxay carruurta ka noqoneysaa afartii cunugba mid ama boqolkiiba shan iyo labaatan. Waana tiro u dhiganta 480000 oo cunug. Boqolkiiba shan iyo soddon ka mid carruurtaas la nool waalidka kala nool waxay ku kala dhexeeyaan labadooda waalid oo mar hooyada ayey la nool yihiin marna aabbaha. Sidaasna waxaa lagu muujiyey daraasad uu soo saaray xafiiska tirakoobka guud ee SCB.

In ay carruurtu labada waalid midba mar la nool yihiin ayaa caadi soo noqoneysa, laakiin carruurta badankood waxay weli inta badan ama gebi ahaanba la nool yihiin hooyada oo qura. Tiro lagu qiyaasay boqolkiiba toban ayaa inta badan ama gebi ahaanba la nool aabbaha.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".