Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Haweeney lagu soo dacweeyey in ay tuugsanesey oo maxkamadi siideysey

Sawirle: Fredrik Sandberg /TT.

Mid ka mid ah saddex dumar ah oo ka yimid dalka Roomaaniya, horeyna loogu eedeeyey in ay lacag ka tuugsanayeen degmada Södertälje bisha jannaayo ayey hadda maxkamadda degmada Södertälje ka siideysey dembigii lagu soo oogey.

Saddexdaan dumarka ah ayaa horay loogu soo oogey dembi ah in ay jebiyeen xeerka u degsan kala dambeynta oo qoraya in ay mamnuuc tahay in lacag la ururiyo iyadoo aan wax oggolaansho ah loo haysan.

Balse maxkamadda ayaa u aragtay in aysan suurtagal ahayn in xeer-hoosaadka kala dambeynta dehmadu uu mamnuuco fal aan mamnuuc ka ahayn sharci ahaan, waayo sharciga Iswiidhen u degsan mamnuuc kama aha in la tuugsado.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".