Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

EU oo cunoqabateyn ku soo rogeysa Ukrain

La daabacay fredag 21 februari 2014 kl 14.11
Foto: Marko Drobnjakovic/TT, Andrei Mosienko/TT.

Midowga Yurub ayaa xaley go’aan ku gaarey in Cunaqabatayn ku soo rogto dadkii ku lug lahaa dhibaatada dadka ku dhinteen ee ka dhacdey shaley dalka Ukrain. Cunaqabataynta waxaa lagu soo rogayaa shaqsiyaad u dhow xukumada dalkas, kuwaas hantidooda Yurub taala la xanibayo sidoo kale laga hor istaagayo in ay u soo socdaalaan gudaha EU.

 Laakiin waxaa muuqata in cunoqabatyntaan aan lagu soo rogi doonin madaxweynaha dalkas Janukovitj. Balse hanjabaada counoqabateyn ee EU waxaa barbar socda isku day diblomaasiyadeed oo la doonayo in lagu soo afjaro rabshada dadku ku la’deen ee ka taagan dalkas Ukrain. Tan iyo xaley wasiiro arrimo dibadeen ka socda Midowga Yurub ayaa wado-xaajood kula jirey dowladda dalkaas si layskugu soo dhaweeye mocaaradka mudeharaadka dhiagaya iyo xukumada. Waan sabababtaa daraadeed sababta laga waabo in laga reebo dadka cunoqabateynta lagu soo rogayo madaxweyne Jonukovitj; sidaas waxaa yeri Jens Möller oo ah wariyaha uga soo warama Radio Iswiidhen magaalada Bryssel ee ah xarunta EU.

- Haddi Jonukovitj lagu daro liiska cunoqabateynta, taas waxey ka micno noqoneysaa dharbaaxo kama danbeysa ah oo wajiga looga dhuuftey asaga. Markaas suurto gal ma noqoneyso in asaga wado-xaajoodka lala sii wado. Inta ay socoto wado-xaajoodka wasiiradda arrimaha dibadda ee EU ku doonayaan in lagu soo afjaro gacan ka hadalka dalkaas ka taagan ma leyn maayo in cunoqabateynta lala beegsanayo Jonukovitj ayuu yeri Jens Möller wariyaah uga soo warama Radio iswiidhen magaalada Bryssel. Waxaa la rajeynayaa in cunoqabateynta EU ay hirgalsho maalmaha soo socda, sida uu sheegey

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".