Sawirle: Anders Wiklund / TT

Siyaasadaha xisbiyada oo marba marka ka sii dambeysa isu soo ekaanaya

Siyaasadaha xisbiyada dalkaan Iswiidhen ayaa marba marka ka dambeysa isu soo ekaanaya, in kastoo uu iska hor-imaadka u dhexeeyaa soo kordhay. Aragtidaasna waxaa soo bandhigay aqoonyahanno cilmiga siyaasadda ee jaamacadda Linné oo ku taal magaalada Växjö.

- In kastoo ay siyaasadaha xisbiyadu ay noqdeen kuwo isu eg, ayey haddana soo bateen khilaafyada iyo iska hor-imaadyada ka dhextaagan. Waxaana laga dhex arki karaa in ay marba marka ka dambeysa soo noqonayaan kuwo aan heshiis ahayn oo wadashaqayntoodu yar tahay. Sidaasna waxaa yiri Magnus Hagevi oo ka isagu hoggaaminayey daraasadda ka soo baxday jaamacadda Linné.

Waxaa baarlamaanka badanaaba laga arkaa koror ku yimid diidmada hindisayaasha la hor keeno iyo xisbiyada mucaaradka oo marar badan gacanta ku sayriya hindisayaasha ay dowladdu baarlamaanka soo hor-dhigto. Taasina waxay muujineysaa in aan wax lagu heshiin karin in kastoo ay siyaasadaha xisbiyadu ku urureyso siyaasado dhexe oo ay adkaatay in la kala sooco, iyo in kastoo dalkaan Iswiidhen looga bartay in uu yahay dal ay siyaasadihiisu ku dhisan yihiin dhaqan isu-tanaasulid ku dheehan tahay.

In xisbiyada ay siyaasad dhexe isu soo ururaan waxaa loo arkaa dhibaato soo foodsaartay dimoqraadiyadda. Waa kan Magnus Hagevi oo arrintaan wax ka yiri:

- Taasi ma aha mid aan wanaagsanayn maadaama uu dadweynuhu u baahan siyaasado uu kala doorto marka uu doorashooyinka ka dhiibanayo codkiisa. Waa muhiim in kala-doorasho jirto. Taasina waxay suurtagal tahay marka siyaasadaha xisbiyadu kala geddisan yihiin. Balse haddii ay siyaasadaha xisbiaydu isu wada ekaadaan, waxaa kolkaas dadka codka bixiya ku adkaaneysa in ay wax doortaan.

Magnus Hagevi wuxuu hadalkiisa ku daray in dimoqraadiyadda ku dhisan doorashada dadweynaha ay lagama maarmaan ka dhigeyso in ay jiraan siyaasado cadcad oo la kala dooran karo.

Culumada baaritaanka sameeyey oo ka socda jaamacadda Linné waxay kaloo daraasad ku sameeyeen sida uu isu beddelay xiriirka xubnaha xisbiyada dhexdooda ka jira iyo matalanba sida xisbiyada dusha looga xukumo, taas oo soo korordhay:

- Xisbiyadu waxay noqdeen kuwo hoggaanka sare talinta ku ururtay. Waxayna taasi keentay in taageerada xisbigu ay ku wajahnaato hoggaanka xisbiga oo ay ku sii yaraato xubnaha hoose ee xisbiga. Taasina waxay kolkaas la micne tahay in siyaasiinta la doorto ay shaqaaleeyaan hawlwadeeno u fuliya siyaasadahooda halka ay maalgelinta lagu samaynayo xubnaha hoose sii yaraaneyso.

Balse kolkii ay baarayaashani si hoose ugu sii kuurgaleen habka go’aamada xisbiyada, waxaa u soo baxay sawir kale. In kastoo ay xisbiyadu noqdeen kuwo dusha laga xukumo, haddana waxaa xisbiyada gudahooda ka jira hannaan dimoqraadiyad ku dhisan. Sidaas ayeyna dimoqraadiyadda ka dhexjirta xisbiyadu ku soo kordhay, ayuu yiri Magnus Hagevi oo hadalkiisa ku daray:

- Taasna waxaan ku caddeyn karnaa in muwaadiniinta iyo xubnaha xisbigu ay hadda leeyihiin aqoon ka sarreysa tii ay waayadii hore lahaan jireen. Hadda waxaa hoggaanka sare ee xisbiga lagu xiraa shuruudo sidii hore ka adag iyo in laga doonayo in go’aamada saameyn lagu yeesho. Dadweynaha iyo xubnuhuna ma yeelayaan in go’aan aysan la socon dusha looga keeno. Kaasina wuxuu Magnus Hagevi oo caalin ku takhasusay cilmiga siyaasadda, waxna ka dhiga jaamacadda Linné oo ku taal magaalada Växjö.

Barnaamijkaan waxaa soo diyaariyey Abdelaziz iyo Olgica oo ah weriyayaal ka hawlgala idaacadda Sveriges Radio International.

Isha: SR International

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista