Raysalwasaaraha Iswiidhen Fredrik Reinfeldt. Sawirle: Rebecka Gyllin/Sveriges Radio

Raysalwasaaraha Iswiidhen oo ka digey sida ay xaaladda Ukraina ku socoto

 

Raysalwasaaraha Iswiidhen Fredrik Reinfeldt oo wareysi siiyey barnaamijka Agenda maalintii axadda ee na soo dhaafay ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan xaaladda gurracan ee dalka Ukraina ka taagan.

– Waxay soo ahayd xaalad khalkahal badan. Waxaan u soo joogney markii sannadkii 2004 u socdey kacaankii midabka liinta. Waxaan halkaas ka barannay in Ukraina uu yahay dal ay shucuur xooggani ka jirto oo xooggag badani iksu haystaan. Sidaasna waxaa yiri Fredrik Reinfeldt.

Fredrik wuxuu intaas raaciyey in xoog badan aad loo isticmaalay oo naf badani ku baxday. Waana og nahay in haddii xoog la isticmaalo ay dhalineyso in xoog-isticmaalku sii bato.

Fredrik Reinfeldt wuxuu walaac ka muujiyey sida xaalku ku socdo, isagoo madaxa ku haya in aysan kala caddeyn waxa mucaaradku doonayo.

– Waxaa halkaas ka jira kooxo doonaya in ay aargutaan iyo kooxo dadyowga kale faquuqa. Waxaa kaloo halkaas ka jira kooxaha yurub-doonka ah oo doonaya in halkaas ay dhacaan isbeddelo wax ku ool ah. Weli ma oraan karno cidda buuxineysa talis-la’aanta hadda taagan.

Raysalwasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyey in aynnaan iska aamminin in kooxaha guuleystaa ay yihiin kuwo doonaya in Ukraina ku hoggaamiyaan waddada lagu gaaro dal ku dhaqma sharci, dimoqraadiyad iyo xorriyadda hadalka.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".