Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Hasse Holmberg/Scanpix.

Shimbiraha booloboolada oo ka suulaya jasiiradaha Iswiidhen

Waxaa beryahaan dambe soo baxayey astaamo laga welwelo oo ku saabsan nolosha shimbiraha ee dhulka jasiiradleyda ah ee Iswiidhen ku yaal.

Shimbirta afka iswiidhishka lagu yiraahdo Ejdern oo ah nooc ka mid ah shimbiraha booloboolada ayaa ka mid ah shimbiraha badanaaba laga helo dhulalkaas jasiiradaha a. haddana waxay ku dhow yihiin in ay gebi ahaanba ka dhammaadaan darfaha jasiiradahaas. Sidaasna waxaa lagu muujiyey tirakoobka uu ururka arrimaha jasiiraduhu ka sameeyey nolosha xayawaanka halkaask u nool.

Gunnar Hjertstrand oo ah ruuxa hoggaamiya mashruuca loogu magacdaray "Levande skärgårdsnatur" ayaa iadaacadda ABC u sheegay in xoogaa ka wanaagsan tahay marka jasiiradahaas guda loo sii galo.

Cabbiraadda uu ururkani ku sameynayey xaywaanka halkaas oo soo socdey muddo soddon sano ku dhow, ayaa lagu ogaadey in siddeeddii sano ee ugu dambeysey ay xayawaankaasi si xawli badan isu dhimayeen, ayuu Gunnar Hjertstrand madaxa mashruuca bey’adda nool ee jasiiradaha ama "Levande skärgårdsnatur". Wuxuuna xasuustaa shimbiro aad u farabadan oo raxanraxan isu la socda oo uu halkaask u arki jirey sanooyinkii toddobaatanaadkii iyo siddeetameeyadii.

Isha: ABC, TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".