Sawirle: Claudio Bresciani/TT (Arkivbild)

Dumarka jirdilka loo geysto oo boliisku alaabooyinkooda la soo qaadayo

Dumarka dhibaatooyinka jirdilka ah ay u geystaan qaraabo dhow ayaan maanta boliisku u raaco guryahoodii si ay uga soo qaataan alaabooyinka u gaarka ah oo ay u baahan yihiin.

Guddiga dastuurka ee baarlamaanka ayaa hadda doonaya in arrintaas wax laga beddelo oo sidaas awgeed dhowaan dowladda ku boorrin doona in ay qaaddo tallaabooyin lagu sugayo ammaanka dumarka.

Guddoomiye-xigeenka guddiga Johan Linander  oo xisbiga Dhexe ka tirsan ayaa wargeyska Svenska Dagbladet in la isku afgartay in xaaladdaan xal loo helo maadaama ay khuseyso dad dembiyo laga galay oo naftooda uga la soo cararay guryahoodii.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".