Parkering-kii dhaawaca wiilka laga helay. Sawirqaade: Ulla Öhman/SR

Wiil reer Kramfors ahaa oo dhaawac halis ah ugeeriyooday

Wiil sagaal sano jiray oo isagoo si xun udhaawacan lagahelay jimcihii la soo dhaafay Parkering ku yaala magaalada Kramfors ee waqooyiga dalkan Sweden, ayaa ugeeriyooday nabarihii ka soo gaadhay dhaawacaas.

In kastoo qaliin lagu sameeyey wiilka sabtigii iyo axadii la soo dhaafay, hadana nabaro xun oo soo gaaray awadood, may suurtogelin in labadbaadiyo naftiisa, sida ay soo werisay idaacada P4 Västernorrland.

Ilaa hada lama garan sida dhaawacu usoo gaadhay wiilka, laakiin ciidan booliska Sweden waxa uu u malaynayaa in la gaari jiirsiiyey.

Derejada faldenbiyeedka waxaa loo bedelay dil aan ulakac ahayn.

Isha/Ekot, TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".