Sawirqaade: Anders Wiklund/TT.

Baakadaha tubaakada laguma caddeyn doono dhadhanka tubaakadu leedahay

Mustaqbalka soo socda lagu ma qori dhadhanka tubaakada baakooyinka ay ku jiraan, sida ku cad sharci cusub oo uu baarlamaanka Midowga Yurub doonayo in uu u codeeyo arbacada foodda nagu soo haysa.

Christofer Fjellner oo xisbiga Moderaterna ka tirsan ayaa dhaleeceyn u soo jeediyey sharcigaan cusub oo ku saabsan waxa baakooyinka tubaakada lagu dul qorayo:

- Waa doqonimo in aannaan ogaan karin dhadhanka tubaakada. Macquul ma noqoneyso haddii la yiraahdo indha-la’aan ha la isaga iibsado tubaakadaas.

Sanooyin badan ayaa sharcigaan cusub ee tubaakada lagu muransanaa Midowga Yurub. Iswiidhen ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatey in tubaakada iswiidhishka lagu reebo badeecooyinka laga mamnuucay in loo yeelo dhadhan. Laakiin tubaakada iswiidhishka ayaan laga reebin qodobka 12aad ee qoraalka sharciga, taas oo micneheedu yahay in aan hadda wixii ka dambeeya baakooyinka lagu qori karin in tubaakada dhadhan loo yeelay, sida laakris amd miraha lingon.

Carl Schlyter oo ka socda xisbiga Doogga oo ka mid ah xildhibaanada qaabbilsan wadahalada tubaakada ee baarlamaanka Yurub ka dhex socda ayaa qirtay in arrintaas laga in-dhuufay.

- Waxay ahayd inaan qodobka 12 xisaabta ku darno si ay Iswiidhen xaq ugu yeelato in ay go’aan ka gaarto dhadhamada tubaakada loo yeelayo. Taasna ilaahay maskaxdayada waa ka saaray.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".