Sawirle: Carl Court/TT iyo Bertil Enevåg Ericson/TT. Montage: Sveriges Radio.

Wasiirka miisaaniyadda Iswiidhen Anders Borg oo Ugaandha booqanaya

Wasiirka miisaaniyadda Iswiidhen Anders Borg ayaa noqonaya siyaasigii ugu horreeyey ee dunida ka socda oo booqda Ugaandha kadib markii madaxweynaha dalkaasi Museveni saxiixay sharci cusub oo waqtiyadii dambe dhaleeceyn badan loo soo jeediyey.

Safarkaani wuxuu ahaa mid horay loo sii qorsheeyey. Markii uu Anders Borg halkaas ka degey shalay maqribnimadii, wuxuu isla markiiba kulan aan rasmi ahayn la yeeshay dadka u dooda xuquuqda dadka khaniisiinta ku nool Ugaandha.

Sharcigaan cusub oo madaxweynuhu saxiixay shalay ayaa qoraya in ragga iyo dumarka khaniisiinta ahi ay mudan karaan xabsi. Maraykanka ayaa horay ugu digay dalka Ugaandha in haddii ay hirgeliyaan sharcigaan cusub ay taasi kolkaas carqalad gelineyso xiriirka labada dal.

Dalalka Noorwey iyo Danmaark ayaa ku dhawaaqay in joojinayaan dhammaan kaalamada dhaqaale oo ay siiyaan dalka Ugaandha.

Balse madaxweyne Museveni ayaa markii uu shalay saxiixayey sharcigaas cusub sheegay in aysan dalalka dunida u bannaaneyn in faraha la soo galaan arrimaha hoose ee Ugaandha. Wuxuuna taas ugu yeeray imberyaaliyadda xagga bulshada.

Iswiidhen waxay sannad walba Ugaandha siisaa lacag kaalmo ah oo gaareysa 250 milyan oo karoon. Saddex meelood oo meel kaalmadaasi waxay aaddaa hay’adaha dowliga ah.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista