En hjärtoperation.
Sawirle: Tomas Oneborg/TT.

Dadka ku tabarucaya xubnaha jirkooda oo soo badanaya

Waxaa waqtiyadii dambe soo kordhayey dadka iswiidhishka ah oo doonaya in ay ku tabarucaan xubno jorkooda ka mid ah. Mas’uuliyiin badan oo ka hawlgala goobaha caafimaadka ayaa sheegay in ay u muuqato in wax isbeddelayaan in kastoo weli jirto baahi weyn oo loo qabo dad ku tabaruca xubno jir.

Guddoomiyaha guddiga xubna-rabarucidda Heidi Stensmyren ayaa aamminsan in kororkaan uu keenay isbeddel ku yimid hab-dhaqanka goobaha caafimaadka. 

- Waxay u badan tahay in kororkaasi ka dhashay in isbitaalada laga bilaabay hawlo nidaamsan oo la xiriira xubnaha lagu tabaruco. Qaybaha caafimaadka waxaa hadda ka dhex jira xiriir iyo aqoon-isweydaarsi wanaagsan. Sidaasna waxaa tiri Heidi Stensmyren, guddoomiyaha guddiga xubna-rabarucidda.

Sannadkii 2013 waxaa dalka ka jirey in kor u dhaaftay 150 qof oo xubno jirkooda ka mid ah ku tabarucay iyo in ka badan hal milyan iyo bar oo dadweynaha iswiidhishka ka mid ah oo iska qoray Diiwaanka xubna-ku-tabarucidda, taas oo sahleysa wixii baaritaan ah oo goobaha caafimaadku ku sameynayaan xubna-ku-tabarucidda. In la iska qoro diiwaanka xubna-ku-tabaruciddu waxay keentay saameyn wanaagsan, ayuu tiri Heidi Stensmyren oo hadalkeeda ku dartay.

- Dadka iska qoraya diiwaanku wax kale oo waxtar leh ayey sameynayaan. Marka hore eheladooda ayey la hadlaan oo u sheegaan waxa ay doonayaan in ay sameeyaan. Taasina waxay markeeda keentaa in dadka kale ay ka fekeraan xubna-ku-tabaruciida oo ayba ku dhiirradaan in ay iyaguna iska qoraan diiwaankaas, ayey tiri Heidi Stensmyren.

Isha: Ekot

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".