Astaanta xisbiga Dimoqraadiyiinta Iswiidhen (SD). Sawirle: Janerik Henriksson/TT.

Xisbiga Sverigedemokraterna oo doonayo in bog cad laga qoro taariikhda xisbiga

Hoggaamiyaha xisbiga Dimoqraadiyiinta Iswiidhen ayaa hadda diyaar u ah in dib loo eego xiriirkii uu xisbigu la soo lahaa afkaarta naasiyadda iyo jinsi-faquuqa ku dhisan.

Sidii xisbiga Bidixdu dib u habeynta ugu sameeyey xiriirkii uu la lahaa afkaartii shuuciyadda, ayuu hadda u doonayaa hoggaamiyaha xisbiga Dimoqraadiyiinka Iswiidhen Jammie Åkesson in uu bog cusub oo cad u xisbigiisa marka laga hadlayo arrimaha la xiriira afkaarta naasiyadda iyo jinsi-faquuqa ku dhisan.

Jimmie Åkesson ayaa shalay aragtidiisa ka dhiibtey barnaamijka ”Nyfiken på partiledaren” oo laga siidaayey telefishanka SVT. Barnaamijkaas kadib ayaa cambaareyn loogu jeediyey hadaladiisii ay midka ahaayeen in uusan waxba ka ogeyn in ay afkaarta naasiyaddu xoog ku lahayd xisbiga markii uu ku soo biiray bartamihii sagaashanaadkii.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".