Sawirle: Jessica Gow/Scanpix

Daldaloollo weli ku jira sharciga deeqda xisbiyada qarsoodiga loo siiyo

Waxaa daladaloollo waaweyn ka jiraan sharciga dhowaan soo baxay oo ku saabsan in xisbiyada dalka lagu adkeeyo in ay qaataan deeqo qarsoodi ah.

Sharcigaan cusub wuxuu khuseeyaa oo qura laamaha qaran ee xisbiyada balse ma khuseeyo laamaha hoose oo weli ay suurtagal u tahay in ay guddoomaan lacago qarsoodi iyagoo aan lumineyn deeqda qaran ee xisbiyada la siiyo.

Laamaha hoose ee xisbiyadu waxay iyaguna markooda lacag ugu deeqi karaan dalladda qaranka ee xisbiga. Taasina wax saameyn ah kuma yeelaneyso kaalmada dhaqaale ee ay xisbiyadu helaan.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".