Garoonka Arlanda. Sawirle: Wikimedia Commons.

Bambo loogu hanjabay diyaarad taagneyd garoonka Arlanda

Bambo ayaa loogu hanjabay diyaarad kuwa rakaabka oo taagneyd garoonka Arlanda. Diyaaraddaas oo aan wax rakaab ahi waqtigaas saarneyn ayaa ku wajahneyd dalka Ciraaq.

Ciidanka boliisku isla markiiba dhab ayuu qaatay hanjabaaddaas oo wuxuu xiray meeshii diyaaraddaasi taagneyd iyo agagaarkeeda si baaritaan loogu sameeyo. Hase yeeshee taasi wax saameyn ah kuma yeelan dadka safraaya oo ku sugnaa Arlanda.

Isha: TT, ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".