Sawirle: Bertil Ericson/TT

Jahawareer ka dhashay shaqadoon buuxdhaafiyey xafiiska shaqada

Kumaankun dad shaqa-doon ah ayaa maanta isugu soo ururay bannaanka xafiiska shaqada oo ku yaal bartamaha Stockholm. Sababta ay taasi ku dhacdayna waxay ahayd in dad kor u dhaafay 60 000 si qaldan loogu casumay in ay yimaadaan kulan hal shaqo oo la soo bandhigay.

Waxaa khasab noqotay in xafiiska la xiro oo boliiska halkaas loogu yeero si ay xasilloonida ku dhawraan.

Joakim Nordblom oo xafiiska shaqada u qaabbilsan isgaarsiinta ayaa idaacadda Ekot u sheegay in ay xaaladdu noqotay mid cabsi leh oo ku kalliftey in ay boliiska u yeeraan.

Wuxuuna dhacdaas ku sifeeyey mid ku timid ayaandarro xagga farsamada.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".