Raajada naasaha. Sawirle: Tekniska röntgencentralen/TT

Qalliinka naasaha kaankaradu gasho oo ku kala duwan dgobolada dalka

Tirada bukaanka naasaha kaankaadu ka gasho oo u baahan in mar labaad la qalo cudurka oo fiday awgiis ayaa ku kala duwan dalka Iswiidhen qaybihiisa.

Jasiiradda Gotland ayey ku nool yihiin tirada ugu badan ee dadka naasaha kaankaradu kaga dhacday oo u baahan in dib loo qalo. Sidaasna waxaa soo werisey idaacadda P4 Gotland. Tirada dadka halkaask u nool oo u baahan in dib loo qalo ayaa dhan boqolkiiba 26 dadka bukaanka ah halka ay dalka oo dhan ka yihiin boqolkiiba 15. Jasiiradda Gotland waxay kaloo ugu horreysaa tirada ugu badan ee dadka cudurkaas u dhinta shan sano kadib markii laga qalay naasaha kaankaradu ka gashay. 

Boqolkiiba 13 dadka naasaha kaankaradu ka gashay oo ku nool jasiiradda Gotland ayaa la dhintay shan sano kadib markii la qalay, halka ay dalka oo dhan tiradaasi ka tahay boqolkiiba 10. Gobolka dhimashadu ugu hooseyso ayaa ah gobolka Kronoberg oo ay cudurkaas la dhintaan boqolkiiba 7.

Gobolka ugu hauysta wax ka qabadka dadka la buka cudurka kaanakarada naasaha ayaa noqday gobolka Jämtland oo ay boqolkiiba lix oo qur ahi u baahdaan in naasaha kaankaraduk u dhacday mar labaad la qalo.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".