Astaanta xisbiga Dimoqraadiyiinta Iswiidhen. Sawirle: Janerik Henriksson/TT.

Xisbiga SD oo dhowaan bilaabaya wargeyska cusub oo maalinle ah

"Samtiden" ayaa noqonaya wargeys cusub oo maalinle ah oo uu xisbiga Dimoqraadiyiinta Iswiidhen (SD) ku daabici doona Internet si uu ugu soo gudbiyo wararka dhaca. Waxaana jiri doona tiro weriyayaal ah oo toos ugu xiran wargeyska, in kastoo uu wargeysku wararka ka xigan karo ilo kale. Sidaasna waxaa wargeyska Medievärlden u sheegay tifaftiraha guud isla markaasna ah soosaaraha wargeyskaan cusub.

Iadaacadda Kulturnytt ee raadiyaha Iswiidhen wuxuu Sjunnesson u sheegay in uusan waxba ka sheegi karin wargeyska iyo waxyaalaha uu culeyska saari doono balse la sugo inta uu ka soo baxayo.

Gunnar Nygren oo ah caalin cilmiga saxaafadda ka dhiga jaamacadda Södertörn ayaa sheegay in ay tahay wax caadi ah in xisbiga SD uu bilaabo soo saarista wargeyska uu leeyahay. Wuxuu intaas ku daray in xisbigu u baahan yahay waddooyin isku xira xubnaha xisbiga oo abuura bar ay aragtiyahooda isku dhaafsadaan.

Isha: Kulturnytt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista