Sawirle: Adam Ihse / TT

Cilmi-baaris cusub oo raja-gelineysa dadka la xanuunsan cudurka MS

Cilmi-baaris cusub oo iswiidhish ah oo aan horay loo arkin ayaa rajagelineysa dadka la xanuunsan cudurka maanta wax u dhima oo lagu magacaabo MS in ay helaan daryeelka caafimaad oo wax ku ool ah.

Unugyada dhiigga oo qofka lagu beero ayaa waxtar u ah daaweynta cudurka MS ama Multipel  skleros. Sidaasna waxaa lagu muujiyey cilmi-baaris ay soo saareen culumo ka hawlgala magaalada Uppsala, halkaas oo ay baaritaan ku sameeyeen dad bukaan ah muddo toban sano.

Ida Berner oo toban sano ka hor laga helay cudurka MS ayaa noqotay qofkii ugu horreeyey Iswiidhen oo habkaan cusub lagu daaweeyey. Waxayna durbadiiba dareentay in ay ku soo ladnaaneyso habkaan cusub.

- Saddex maalmood kadib markii daawada cudurka lagu la dagaalamo la i siiyey, ayaan bilaabay in aan suulka cagta midigta dhaqdhaqaajiyo. Sidaasna ma awoodi karin muddo saddex bilood ah. Taasina rajo ayey i gelisey, ayey tiri Ida Berner.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista