Hoggaamiyaha xisbiga SD Jimmie Åkesson. Sawirle: TT

Taageerada xisbiga SD oo hoos u dhacday

Cabbiraaddii ugu dambeysey oo ay shirkadda ra’yi-ururinta ee Novus ka sameysey dadka codka bixiya ayaa lagu muujiyey in xisbiga Sverigedemokraterna oo hoos u dhacay oo uu heli lahaa boqolkiiba 8.7 haddii ay doorasho ahaan lahayd. Hoos u dhacaassina wuxuu yahay mid tirakoob ahaan la hubo.     

Xisbiga Dhexe ama Centerpartiet ayaa xoogaa ka kor maray xadka baarlamaanka lagu galo oo helay boqolkiiba 4.2 codka codbixiyayaasha, halka uu xisbiga KD ama masiixiyiinta dimoqraadiga ahi ka helay boqolkiiba 3.8 oo la micne ah in uusan baarlamaanka soo geli lahayn haddii ay doorasho ahaan lahayd.                     

                                      

Xisbiyada casaan-doogga ayaa wadjir u helay boqolkiiba 51.4, halka ay xisbiyada dowladda isku bahaystay ka heleen boqolkiiba 38.4.   sidaas ayuuna xisbiga SD ku lumin lahaa doorkiisa kala shukaansiga ah haddii ay hadda doorasho qaran ahaan lahayd.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".