Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Olof Palme, raysalwasaarihii hore ee Iswiidhen oo bartamaha Stockholm lagu dilay 1986. Foto: Bert Mattsson/Scanpix.

Nin Palme nebcaa oo aan hayn caddeyn meeshii uu ku sugna xilligii dilka

Ninka lagu magacaabo Alf Enerström, oo horey ugu caanbaxay in uu nebcaa raysalwasaarihii hore ee Iswiidhen Olof Palme, ayaa haystey bistoolad waqtigii toogashada lagu dilay raysalwasaarihii Palme. Waxaa hadda boliiska ku hawllan baaritaanka dilkii Olof Palme xiisa-geliyey in haweeneydii uu ninkaasi xilligaas la noolaa ay dib u la noqotay caddeyntii meeshii uu ninkaas ku sugnaa xilligii dilku dhacay. Sidaasna waxaa qoray wargeyska SvD.

Leif GW Persson, oo ah caalin ku takhasusay cilmiga dembi-baarista, baarinta arrintaanna aad u la socdey ayaa qaba in ay ahayd in Alf Enerström iyo Gio Petré iyo dadka ay isku dhow yihiin intaba la la yeesho waraysi cusub.

Kerstin Skarp oo ah kuxigeenka xeerilaaliyaha baaritaanka dilka Palme u xilsaaran ayaa shaki ka muujiyey wararkaas hadda soo baxay.

Caddeyn xagga farsamada, gaar ahaan haddii la helo hubkii lagu dilay, ayaa aad muhiim ugu ah in la xalliyo dilkii Olof Palme. Balse waxaa suurtagal ah in aysan taas keli ahi maanta ku filnayn, ayuu yiri Leif GW Persson.

Nasiibdarrada ugu weyn waxay noqon kartaa in aysan caddeyn kaafi ah noqon karin haddii uu dhaawac soo gaaro xabbadihii laga helay goobtii dilku ka dhacay. Xabbadii ku dhacday Lisbeth Palme waxay markii la helayba ahayd mid ay waxyeelo ka soo gaartey gidaar waddada dhinaceeda kale oo ku dhacday.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".