Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Furfuridda suuqa gaadiidka tareenada Midowga Yurub oo diidmo loogu codeeyey

La daabacay torsdag 27 februari 2014 kl 16.07
Tareen Shirkadda Norrbotnia. Sawirle: Norrtåg.

Baarlamaanka Midowga Yurub (MY) ayaa shalay cod uu u qaadey gacanta ku sayriyey qaybo ka mid ah hindise lagu doonayey in la fududeeyo in shirkado kala duwan oo gaadiid tareen ay ka bilowdaan Yurub.

Golaha MY wuxuu isla markaas iftiimiyey in Iswiidhen ay tahay dalka lagu daydo marka laga hadlaayo furnaanta suuqa gaadiidka tareenada.

Iswiidhen ayaa 25 sano ka hor bilowdey in ay suuqa gaadiidka tareenada u furto in ay shirkado kala duwan ka hawlgalaan. Sidaas oo ay tahay ayey haddana boqolkiiba konton gaadiidka tareenada maamushaa shirkadda dowliga ah ee SJ, halka ay shirkadda kale oo dowliga ah oo lagu magacaabo InfraNord ay maamusho boqolkiiba konton dayactirka waddooyinka iyo tareenada. Balse waxaa tartan culus ku la jira soddomeeyo shirkadood oo gaadiid tareeno hawlgeliya iyo tiro yar oo shirkado kale oo kuwaas ka hoos shaqeeya.

Marka la eego dalalka MY, weli boqolkiiba 90 gaadiidka tareenadu waxay ku jiraan gacanta dowladaha. Sannadkii ayey ahayd kolkii uu golaha MY soo jeediyey hindise ah in la dedejiyo si ay shirkado gaar loo leeyahay suuqa ugu soo biiraan oo tartanka uga qaybqaataan.

Balse shalay ayuu baarlamaanka MY gacanta ku sayriyey qaybo ka mid ah hindisihii uu golaha MY soo hordhigay oo ku saabsanaa in gebi ahaanba la furo suuqa gaadiidka tareenada.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".