Lacagaha isticmaalkoodii dhammaaday. Sawirqaabeyn: Sveriges Radio. Sawirle:TT

Maanta ayaa ugu dambeysa beddelka 50 kr iyo 1000 kr

Maanta ayaa maalintii ugu dambeysey oo la iska beddeli lahaa lacagaha xaashida ah ee kontonka karoon (50 kr) iyo kunka karoon (1000 kr), waxaana la beddelan karaan bangiyada.

Laga soo bilaabo kala guurkii sannadkaan iyo sannadkii hore ayey lacagaha 50 karoon iyo 1000 karoon noqdeen kuwo isticmaalkooda la joojiyey, waxaana ugu dambeysa maanta in bangiga laga beddelo. (maanta wixii ka dambeeya waxaa laga beddeli karaa Bangiga Dhexe ama Riksbanken, laakiin waxaa loo marayaa hab hawl badan)

Lacago gaaraya 3 bilyan oo karoon oo ka sameysan kun karoon (1000 kr) oo hadda suuqa ku jira ayey digniintaani saameysaa.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".