Christopher Cederroth, caalin ka hawlgala Machadka Karolinska. Sawirle: Anna Larsson / Sveriges Radio

Baaritaan lagu sameeyey aleesha dhegaha jiirka

Culumo cilmi-baarayaal ah oo ka hawlgala Machadka Karolinska ayaa hadda helay saacad dabiici ah oo ku dhexjirta dhegta, taas oo aad xasaasi ugu sharqanta waxyeelada leh ee habeenkii marka la barbardhigo sharqanta maalintii.

– Maalinimadii waxaa xayanwaankaas tijaabada lagu sameeyey soo gaaray dhaawacyo maqalka oo shanqartu keentay oo dhaqso bogsoodey, laakiin markii loo soo bandhigay isla shanqartii waxaa muuqatay in ay xasaasi u yihiin oo uu gaarey soo gaarey dhaawac joogto ah. Sidaasna waxaa yiri caalinka Christopher Cederroth oo ka hawlgala shaybaarka maqalka oo ku yaal machadka Karolinska.

Tijaabooyin lagu sameeyey jiirar ama doolliyo waxaa lagu guuleystey in xubno dareenka wada oo dhegaha gudahooda ku jirey oo dhaawac soo gaarey ay si wanaagsan u soo bogsadeen.

Culumadaan oo hadda ogaadey saacaddaan dhegta ku dhexjirtaa ay xasaasi u tahay shanqarta, ayaa ku rajaweyn in la sameeyo daawo looga hortago dhaawacyada soo gaara maqalka.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".