Olof Palme.

Khad telefan oo lagu la soo xiriirayo baarayaasha dilkii Palme

Maanta oo bisha febraayo tahay 28 waa sannad-guuradii 28aad ee ka soo wareegtey dilkii raysalwasaarihii hore ee Iswiidhen Olof Palme. Waxay ahayd xilli habeenimo ah kolkii Olof Palme iyo afadiisa Lisbet Palme la toogtey iyagoo maraaya bartamaha Stockholm. Waxay ka soo baxeen shaneemo ku taal waddada Sveavägen ee bartamaha Stockholm.

Hadda ayey kooxda ku hawllan baaritaanka dilkaas raysalwasaaruhu fureen telefoon ay kala soo xiriiri karto cid alla ciddii haysa wax war ah oo ku saabsan dilkaas. Khadka telefoonkaasina wuxuu furan yahay inta u dhexeysa saacadaha siddeedda subaxnimo ilaa tobanka habeenimo.

Macluumaadkii laga soo ururiyey baaritaanka dilkaan dhacay 28 sano ka hor ayaa buuxiyey 250 khaanadood. Warkaanna waxaa laga soo xigtey wargeyska Svenska Dagbladet.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".