Sawirle: Daniel Roland/ SCANPIX.

Isugeynta waxsoosaarka Iswiidhen oo ka wanaagsanaatey sidii la filayey

Isugeynta waxsoosaarka qaranka Iswiidhen ama afka iswiidhishka loogu soo gaabiyo BNP ayaa afartii bilood ee ugu dambeysey sannadkii hore kor u kacday boqolkiiba 3.1 marka la barbardhigo xilligaas xilligiisii ee sannadkii 2012.

Haddiise la barbardhigo kororkii waxsoosaarka ee bilihii luulyo-agoosto-sebteember ee 2013 wuxuu farqigu noqonayaa boqolkiiba 1.7, sida laga soo xigtay xafiiska tirakoobka guud ee SCB.

Waxayna ahayd koror ka wanaagsan sidii la filayey. Khubarada wax saadaalisa waxay filayeen koror ah boqolkiiba 1.1 sannadkii iyo in kororka saddexda bilood uu ku istaagayo 0.6, sida ku cad natiijada waraysi ay sameysey wakaaladda Reuters.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".