Sawirle: Jessica Gow/TT.

Dowladda oo dooneysa in la joojiyo faquuqidda dadka naafadaha ah

Dowladda ayaa dooneysa in inaan dadka naafada ah loo fududeyn nolosha ay la mid noqoto in la faquuqayo oo kale, iyo in hindisahaan loo diro guddiga qiimeynta sharciyada si ay uga soo baaraandegaan. Sidaasna waxaa wargeyska Svenska Dagbladet maanta ku soo qoray wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag.

Sharcigaanna waxaa looga gol leeyahay in la isticmaalo marka aan iridaha maqaayadaha laga qaadin xatabadaha ama aan badeecooyinka dukaamada la dhigo meel aysan dadka naafada ahi gaari karin.

                        

Wuxuu hindisahaan mamnuucaya faquuqiddu saameynayaa dhammaanka laamaha adeegga bulshada oo ay ka mid yihiin goobaha waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo laamaha adeegyada. Balse waxaa la soo jeediyey in mamnuucaan laga reebo laamaha adeegga oo ay fidiyaan dad shakhsiyaad ah ama shirkado shaqaalahoodu ka yar yahay toban qof.

Isha: SvD, TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".