Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

In kastoo lagu hanjabay qarxis bambo haddana lama helin wax bambo

La daabacay måndag 3 mars 2014 kl 10.54
Sawirle: Pär Olsson/Scanpix.

Waxaa in bambo lagu qarxinayo loogu hanjabay dhisme ku yaal xaafadda Södermalm oo ka tirsan magaalada  Stockholm. Sida ciidanka boliiska laga soo xigtey waxay hanjabaaddaani boliiska soo gaartey markii ay saacaddu ahayd siddeeddii iyo barkii ee subaxnimo. Isla markiiba boliiska ayaa dadkii ka saaray dhismahaas, xayndaabna ku wareejiyey dhismahaas iyo dhismayaasha ku dhow. Xilligii qadada ayuu boliisku goobtii ka qaaday xannibaaddii. Wax khatar ahna lagama helin dhismaha gudahiisa.

Warar ay heshay wakaaladda wararka ee TT waxay hanjabaaddaasi ku wajahneyd xafiiska uu ururka Swedish Standards Institutes (SIS) ku leeyahay Stockholm. Ururka SIS ayaa ah urur ay ku midoobeen dad ka shaqeeya in nolol-wanaag ka jirto Iswiidhen. Sida ku qoran bogga internet ee ururka wuxuu ururku Iswiidhen ku leeyahay ilaa 12000 oo macaamiil ah.

Boliiska ayaa hadda bilaabay baaritaan ku saabsan hanjabaad weyn oo sharcidarro ah.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".