Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Cayaartoyda Noorwey oo ku gacan-sarreeyey tartankii Vasa

Sawirle: Ulf Palm/TT

Tartankii Vasa ee xilliga qaboobaha waxaa sannadkaan gabdho iyo wiilalba ku wadaguuleystey orodyahanno ka socda dalka Noorwey.

Dhinaca wiilasha waxaa kaalinta koowaad iyo labaad kala galay John Kristian Dahl iyo Johan Kjölstad oo labaduba ka socda dalka Noorwey. Orodyahanka iswiidhishka oo ugu wanaagsan ayaa ahaa Jörgen Brink oo galay kaalinta saddexaad.

Dhinaca gabdhaha waxaa ku guuleysatey Laila Kveli oo Noorwey ka socota, kaalinta labaadna Britta Johansson Norgren oo Iswiidhen ka socota.

Hawadii barafka yareyd ayaa orodka adkeysey oo ka dhigtay mid ka xun sidii ay ahaan jirtey. Orodyahannadii ugu wanaagsanaa tartanka waxay ku qaadatay afar saac iyo 15 daqiiqo in ku ordaan masaafo dhan 90 kiilomitir oo u dhexeysa magaalaayinka Sälen iyo Mora.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".