Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamad ku socotey nin roomi ah oo dib loogu noqonayo

La daabacay måndag 3 mars 2014 kl 13.09
Sawirle: Karin Olsson-Bendix/Sveriges Radio

Xukun maxkamad oo ku socdey nin u dhashay qowmiyadda roomiga ayaa  maxkamadda degmada Malmö dib loogu celinayaa kadib markii ay soo baxeen eedeymo ku aaddan in ruux ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna oo xubin ka ahaa guddigii maxkamadda oo ninkaan roomiga xukunka ku ridey uusan dhexdhexaad ka ahayn dacwadda. Ninkaan roomiga ah ayaa maxkamdda lagu soo taagey in uu xatooyo geystey. Sidaasna waxaa go’aan ku gaarey maxkamadda derejada labaad ama rafcaanka gobolada Skåne iyo Blekinge.

Ninkaan xubinta ka ahaa guddiga ama guurtida maxkamadda ayaa shaqada laga joojiyey bishii febraayo kadib markii uu bog internet ku qoray waxyaalo ay ka mid ahaayeen "dowladda Iswiidhen waxay ahayd in ay kharash la’aan dadka sigiinarka ugu adeegto habka GPS”.

Guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka Lennart Svensäter ayaa telefishanka TV4 Nyheterna ee Malmö u sheegay in aan intii dacwaddu socotey laga dareemin in ay jirto dhexdhexaad la’aan, balse hadaladii uu qoray ruuxaas xubinta ka aha aguddiga maxkamadda ayaa shaki geliyey nidaamka in sharciga hortiisa loo wadasiman yahay.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".