Qalliin ilma-galeenka lagu beddelayey oo ka dhacay Göteborg. Sawirle: Johan Wingborg/TT

Dumar ilma-galeenka laga beddelay oo hadda ilmo uurka loo geliyey

Markii ugu horreysey taariikhda Iswiidhen ayaa qof dumar ah oo horay looga beddelay ilma-galeenka la geliyey ilmo uurjiif ah oo meel kale lagu soo bacrimiyey.

Waxay bishii febraayo markii isbitaalka jaamacadda ee Sahlgrenska laga fuliyey afar qalliin oo uurjiif lagu geliyey dumar oo ilma-galeeno cusub oo lagu beeray sannadkii 2013. Sidaasna waxaa soo werisey wakaaladda wararka ee TT.

Mashruucaanna waxaa la soo bilaabay sannadkii 1999. Ilma-galeennada dumarkaas lagu beeray waxaa ama laga soo gooyey hooyooyinkood ama dumar kale oo ay qaraabo yihiin.

Horay waxaa u jirtey hal haweeney oo ku nool dalka Turkiga oo ilmo uurjiif ah ilma-galeenka loo geliyey iyadoo ahayd qof horay looga beddelay ilma-galeenka.

Mats Brännström oo ah caalin culuunta dhalmada iyo cudurada haweenka ayaa wakaaladda wararka ee TT u sheegay in aan weli la hayn cid si dabiici ah uur u qaaddey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".