Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Boqolkiiba saddex dadweynaha Iswiidhen oo dhaqaale-xumo ba’ani hayso

La daabacay måndag 3 mars 2014 kl 14.29
Sawirle: Scanpix

Boqolkiiba kow iyo toban muwaadiniinta Midowga Yurub waxay aamminsan yihiin in ay aad ugu adag tahay in ay helaan dhaqaale ay ku noolaadaan. Tirada Iswiidhen u dhigantaana waxay tahay boqolkiiba saddex. Sidaasna waxaa laga akhrisan karaa tirakoob ka soo baxay xafiiska tirakoobka guud ee SCB.

Iswiidhen iyo Yurub inteeda kalena waxaa ugu daran waalidka keligiis ilmo haya oo ay ku adag tahay in uu helo dhaqaale ku filan.

Xaaladda ugu xumi waxay ka jirtaa dalalka Giriigga iyo Bulgaariya oo saddex meelood oo meel muwaadiniintooda uusan dhaqaaluhu ku filneyn.

Sidaas oo ay tahay ayey tirada Iswiidhen ka mid tahay kuwa ugu hooseya baaritaankaan la sameeyey. Waxaa ku xiga dalalka Finland, Jarmalka, Danmark, Luxemburg, Holland, Faransiiska, Estland iyo Noorwey oo tiro ka hooseysa boqolkiiba shan ay dhaqaale-xumo haysato.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".