SAWIRLE: TOBIAS LUNDGREN / SCANPIX.

Horumar yar oo laga gaarey haweenka ka dhexmuuqda madaxda shirkadaha

Markii ugu horreysey ayey tirada shirkadaha iswiidhishka oo hoggaankooda sare ay ka mid tahay ugu yaraan hal qof oo dumar ah ayaa hadda ka badan shirkadaha aysan hal dumar ahina ku jirin.

Sidaasian waxay ka muuqataaa qoraalka lagu magacaabo Qoraalka Allbright oo sannadkaan 2014 soo baxay. Allbright waa urur dadaal ugu jira sidii loo kordhin lahaa dumarka jegooyinka sare ka haya shirkadaha.

Amanda Lundetego o agaasime guud ka ah Allbright ayaa wakaaladda wararka ee TT u sheegtay in ay wax lagu farxo tahay in la arko in shirkadaha aysan madaxdooda ku jirin dumarka ay hadda yihiin kuwo ku yar suuqa shirkadaha saamileyda ah. balse waxay intaas ku dartay in xawliga lagu dheellitirayo uu hakad ku yimid, ayna u aragto in ay mid laga welwelo.

Marka la barbardhigo sannadkii 2013 waxay tirada haweenka agaasimayaasha guud ahi ka soo 14 oo ay hadda yihiin 15 qof. Laakiin 238 jego oo agaasime guud ka ah shirkadaha saamileyda ah ayaa weli rag.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".